
Xiriirka kubada cagta ee dalka ingiriiska ayaa daboolka kaqaaday in uu u magacaabay Fabio Capello oo u dhashay dalka talyaaniga tababaraha cusub ee xulka England
Warbixin uu ku qoray xiriirka kubada cagta ee ingiriiska boga uu ku leeyahay intarnetka ayaa waxaa uu ku faafaahiyay goaanka magacaabista tababaraha cusub.
Tababare Capello oo jira 61 sano ayaa lawareegay tababarka xulka Engalnd isagoo badali doona tababarihii hore ee xulkaas Steve McClaren kadib markii uu ku guuleysan waayay xulka England in uu u soo baxao koobka yurub ee sanadka 2008 dhici doona
Tababaraha cusub ee xulka England Capello ayaa bilaabi doona shaqadiisa 7 bisha janaayo ee soo socota isagoo majaraha u qaban doona xulka England markii ugu horeysay in uu ka qeybgalo ciyaaro saaxiibtinimo oo ku dhexmari doona garoonka Wembley 6 febaraayo xulka swaziland iyo England.
Swaziland iyo Austria ayaa dadaal weyn igu jira qabanqabada koobka qaramada yurub oo dhici doono 2008.