Sunday, December 2, 2007

KAKA OO KU GUULAYSTAY KUBADA DAHABKA


Ciyaaryahanka reer Brazil ee kaka ayaa si rasmi ahaan ah igu guulaystay kubada dahabka oo ay baxiso sanad walba jariirada france football ka hor dabaldaga Fifa oo ku adan 17 bishaan aynu ku jirno ee sanadka 2007.

Kaka ayaa ka guulaystay saxiibadiisa kadib markii uu halay 444 cod halka kalinta labaad uu galay ciyaaryahanka reer burtuqal ee Cristiano Ronaldo oo helay 277 cod kalinta sadaxaadne waxaa nasiib u yeeshay ciyaryahanka Lionel Messi 255 cod tasoo la oran karo waa guul weyn marka lo eego ciyaaryahan messi oo dadiisu aad u yartahay.

Kaka ayaa ka dnbeyay guushii ay sanadkii tagay Milan ay ku heshay koobka horiyaalada yurub hasa yeeshe waxaa muuqata in Kaka uu ku guulaystay abaal marinta laacibka sanadkaan igu wanaagsan caalamka tasoo lagu wado in lagu gu doosiyo 17 bishaan xarunta Fifa ee Zurich.

No comments: