Friday, November 30, 2007

CIYAARYAHAN MESSI OO MIISKA U SARAN LACIBKA UGU FIICAN ADUUNKA



Xariirka kubada cagta aduunka ee Fifa ayaa shaca ka qaaday maanta masharaxiinta caalamka igu fiican kabada cagta in ay kala yihiin lacibinta kala ah Ricardo Kaka oo reer Brazil ah iyo Cristian Ronaldo oo burtuqal ah iyo Lionel Messi oo asgana u dhashay dalka arjantiin waxaana lagu wadaa in midkood uu noqdo laacibka igu fiican calamka sanadkaan.
FIFA ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqo 17-ka bishaan kaalmaha ay kala gali doonaan laacibiintaan, iyadoo kalinta kawaada laacibka igu fiican calamka uu naqon doono kaka halka kaalinta labaadna la siiyay Cristian Ronaldo.
warbaxinadaan oo dhan ayaa ah kuwa ay sadalinayaan qubarada ku xeel dheer arimaha kubada cagta aduunka waxaana laga yaaba in ay noqdaan kuwa sax ah marka la fiiriyo firfircoonida sadaxdaan laacib oo u muqdo kuwa soo jiidanaayaan imndha calamka gaar ahan dadka xiisayo kubada cagta.

MICHAEL ESSIEN OO KA XUMAADAY GANAAXA LA DUL DHIGAY



Laacibka qadka dhexe ee naadiga Chelsea Micheal Essien ayaa ka maqnaani doona naadigisa Chalsea sadax kulan kadib markii laga saaray ciyaarta kulankii igu danbeeyay markii uu laacib xoog ku jiirayXariirka kubada cagta ingiriiska ayaana ka cafin doonin ganaaxa uu Essien dul dhigay.
Essien ayaa sheegay in uusan aheyn laacib xun oo ciyaartoyda kale dhibaayo lakiin uu yahay laacib ku dagaalamo kubada mar danbana ay na dhici doonin arinkaan oo kale .
Essien ayaa ka maqnaani doona ciyaarta adag ee naadigiisa Chelsea kaga hor imaan doonta naadiga Arsenal.

Thursday, November 29, 2007

NAADIGA LIVERPOOL AYAA LAGADAY KOOXDA FC PORTO


Naadiga kobada cagta ee Liverpool ee dalka ingriiska ayaa waxaa u suurta gashay guul weyn kadib markii ay ku suul daaratay 4-1 kooxda FC porto ee dalka burtuqal waxaana goolasha Liverpool laba ka mid ah u saxiixay ciyaaryahan Fernando Torres oo sanadkaan u maqdo in uu awoodiisa xirfadeed la soo baxaayo

Kooxda Liverpool ayaaa jabisay iskoor weyn kadib markii ay u soo baxday wareega 16-aad ee koobka horiyaalada yurub sanadkaan

CHELSEA OO DARDARTAY NAADIGA ROSENBORG



Nadiga Chelsea ee dalka ingiriiska ayaa waxay ku tumatay nadiga Rosenborg
Kadib markii uu laba gool oo xariir ah ka dhaliyay nadiga rosenborg ciyaryahanka weerarka igu ciyaaro kooxda Chelsea Didier Drogba halka goolka sadaxaadna uu racsiyay Alex oo u dhashay dalka brazil xiritaanka goolki afaraad ayaa waxaa nasiib u sheeshay ciyaaryahan J. Cole.

Chalsea ayaa soo bandhigtay ciyaaro la jaclesan karo koobka horiyalada yurub ayadoo xooga sarayso kobka horiyalda yurub sanadkan tasoo noqonayso rajada igu weyn ee gudoomiyaha nadiga Chelsea Roman Abramovich asagoo u casilay arinkaan tababarihii hore ee nadiga Chelsea Jose Mourinho maxa yelay Mourinho laba sano wax natiija ah oo tageerayaasha Chelsea ee ku farxaan uma soo hooynin

Sidoo kale waxaa ku soo fool leh naadiga Chelsea isboocaan kulan adeg oo iskaga hor imaanayaan nadiga Arsenal taasoo qeyb ka ah horiyaalka ingiriiska ..

Wednesday, November 28, 2007

NATIIJOOYINKA KOOBKA HORIYAALADA YURUB

Manchester U. 2-1 Sporting Lisbo
Lyon 2-2 Barcelona
Stuttgart 3-2 Rangers
Dynamo kyiv 1-4 AS Roma
CSKA Moscow 0-1 PSV Eindhoven
Inter Milan 3-0 Fenerbahce
Sevilla 3-1 Arsenal
Steausa 1-1 Slavia prague
Besiktas 2-1 Marseille
Rosenborg 0-4 Chelsea
Liverpool 4-1 Fc porto
Valencia 0-0 Schalke
Lazio 1-1 Olympiakos piraeus
Werder Breman 3-2 Real Madrid
Benfica 1-1 AC Milan
Celtic 2-1 Shakhtar Donetsk

Tuesday, November 27, 2007

RONALDO OO KU FANAY MUQALKAYGA WANAAGSAN WAA FURSADAYDA


Ciyaryahanka nadiga AC. Milano dalka talyaniga iyo xulka qaranka Brazil Ronaldo ayaa ku fanay muqalkiisa wanagsan ee garoomada ku soo bandhigay in ay ku cawinayso dib u cusboonaysiiska hishiiska ama contaragtiga oo isaga u dhamanayo dhamaadka xili ciyaaredkaan . sida waxaa yiri Ronaldo oo u waramayay Mgazinka Clasio Italia .
Nadiga AC.Milano oo hadda ku jirta Kalinta Sagaalad ee Horiyaalka talyaaniga kadib Kulankii ugu danbeyay markii ay guul gaartay oo ay 2-1 uga adkatay nadiga Cagliari.
Laacibka Reer brazil Ronaldo oo dadiisu tahay iminka 31 sano ayaa ciyaarti igu danbaysay si fiican uga qayb qaratay isagoo helay gool rigoore ah daqiiqadii 44-aad kadibna oo qasaariyay ciyaryahanka ay isku dalka yihiin ee caanka ah ee kaka.

Monday, November 26, 2007

KOOXDA JUVENTUS OO KALINTA LABAAD EE SERIE A SOO CARIIRSATAY


Kooxda Kubada Cagta Juventus, ayaa soo criirsatay booska labaad e Horiyalka Talyaaniga kadib marki ay 5-0 kaga adkaatay Naadiga Palermo tasoo Kadhigtay in ay himaamto Natiijadii labdii kulan ee igu danbaysay ee barbardhaca ay galeen.

Ninka hogaminayo goldhalinta Serie A David Trezeguet ayaa dhaliyay Golkiisa 11 aad u dhaliyay ka hor inta usan Vincenzo Iaquinta uu san kii labaad u dhalin daqiidaii 41.

Alessandaro Dal piero oo badal ciyaarta lagu keenay ayaa laad xor ah u dhaliyay ama Freekick oo Qatar ah kadib markii Shabaqa ku hubsaday waxana Juventus Natiijadaan u sahlaysa inay ka dulmarto Nadiga Fiorentina, oo Barbardhac 0-0 la gashay Nadiga Reggina.

Sunday, November 25, 2007

NATIIJOOYINKA HORIYAALADA TALYAANIGA IYO INGIRIISKA



ITALY-SERIE A
Cagliari 1-2 ACmilan

Inter Milan 2-1 Atlanta

Genoe 0-1 AS Roma

EMpoli 0-0 Torino

Lazio 1-0 Parma

Liverno 3-1 Sampadoria

Napoli 2-0 Catania

Raggina 0-0 Fioretina

Udinese 2-0 Seina

Juventus 5-0 Palermo
ENGLAND – PREMIER LEAGUE


Derby country 0 -2 Chelsea

Newcastel U. 0-3 Liverpool

Arsenal 2-0 Wigan Athlatic

Brimingham C. 0-2 portsmouth

Everton. 7-1 sunderland

Balton W. 1-0 Mancheser U.

Manchester C 2-1 Reading

Misddilesbrough 0-3 Aston Villa

West Ham U. 1-1 Tottenham H.

Fulham 2-2 Blackburn R.

RIBERY OO KU SOO BAXAY MUCJISADA NAADIGA BAYERN MUNICH


Franck Ribery ayaa noqday mucjisada naadiga Bayer Munich marku uu dhaliyay gool mid kalane lugtiisa uu ku dhiibay golashaas oo ay Bayer Munich kaga adkaatay nadiga VfL Wolfsburg 2-1 ayadoo haatane ku hogaaminaso horiyalka haldhibic oo qura.

RIBERY, oo ah sanadkaan ciyaryahanada naadiga Bayern Munich, ku shar tagto ayaa goolkaani waxuu yahay kiisa 3- aad ee uu u dhaliyo Bayer Munich tan iyo markii uu ku soo biiray nadigaan .

Wolfsburg, oo uu macalin u yahay Magath oo u kasoo tagay shaqadii koxda Bayern Munich bishii January, markii uu u qaday 4 horiyaal, ayaa guul daradaani waxay ku noqonaysaa dhabar jab weyn.

Beyern Munich, ayaa dhibcaan heshay kadib 3 kulan oo guul daro ah oo is xigta waxayna hadda 1 dhibac oo qura ka saraysaa Werder Bremen, oo iyana 2-0 ku suul dartay nadiga Energie Cottbus.

Thursday, November 22, 2007

EDMILSON OO KU EDEYAY CIYAARTOYDA BARCELONA KIBIR IYO ISLA WEYNIN IYO XAVI OO KA JWAABAY HADALKAAS


ciyaaryahanka qadka dhexe ee Naadiga Barcelona iyo xulka Brazil Edmilson aya waxaa u ku dhaliilay saxibadiisa isku naadiga yihiin in ay ka buuxdo isla weynin iyo in aysan ka fikikeyn maslaxada nadiga taas oo kantay in naadiga hoos u dhac u ku yimaado

Edmilson ayaa waxa u sheegay Wargayska Marka ee ka soo baxa Dalka Spain maalintii khamiista in ay tahay dhibaatada ugu weyn ee Naadiga heysata in ciyaartoyda ay isku malayaan in ay naadiga ka fiicanyihiin Asigoo sheegay in ay ku mashquulsanyihiin dana u gaar ah oo ka baxsan danta Naadiga

Edmilson oo Wargeyska Mark arinkaas ugu waramaayay ayaa waxuu Yiri" marar qaar ciyaartoyda kuma fikiraan Tababarka waxeyna xiliga lugu jiro Tababarka ku mashquulsanyihiin Talafoonadooda"

Kooxda Barcelona ayaa waxaa laga dareemayaa Sanadkaan dib u dhac ku yimaaday dhanka ciyaaraha Dibada ayagoo ilaa hada anan ku guulaysan ciyaara dibada ay u aadeen marka laga rebo kulankii liventa la ciyaareen Bishii September oo ay 4-1 igu badiyeen

Ciyaaryahanka Caanka ah Edmilson ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Barcelona aysan heerkeedi hore ku soo laaban doonin ilaa iyo marka ay ciyaartoyda danotooda ka hormariyaan danta Naadiga

dhanka kale Kabtan ku xigeenka Naadiga Barcelona Xavi Hernandez ayaa isagoo ka jawaabayay eedeynta ka timaaday dhanka Edmilson waxaa uu Yiri" qofkii doonayo inuu hormariyo kooxda Barcelona waxaa loo bahanyahay in uu u fiirsado hadalkiisa,maahan hadalka Edmilson mid wanaagsan oo hormarinaayo Naadiga Barcelona, waxaana loo boohanyahay inuu hadalada uu isticmaalaayo ilaaliyo"