Thursday, November 22, 2007

EDMILSON OO KU EDEYAY CIYAARTOYDA BARCELONA KIBIR IYO ISLA WEYNIN IYO XAVI OO KA JWAABAY HADALKAAS


ciyaaryahanka qadka dhexe ee Naadiga Barcelona iyo xulka Brazil Edmilson aya waxaa u ku dhaliilay saxibadiisa isku naadiga yihiin in ay ka buuxdo isla weynin iyo in aysan ka fikikeyn maslaxada nadiga taas oo kantay in naadiga hoos u dhac u ku yimaado

Edmilson ayaa waxa u sheegay Wargayska Marka ee ka soo baxa Dalka Spain maalintii khamiista in ay tahay dhibaatada ugu weyn ee Naadiga heysata in ciyaartoyda ay isku malayaan in ay naadiga ka fiicanyihiin Asigoo sheegay in ay ku mashquulsanyihiin dana u gaar ah oo ka baxsan danta Naadiga

Edmilson oo Wargeyska Mark arinkaas ugu waramaayay ayaa waxuu Yiri" marar qaar ciyaartoyda kuma fikiraan Tababarka waxeyna xiliga lugu jiro Tababarka ku mashquulsanyihiin Talafoonadooda"

Kooxda Barcelona ayaa waxaa laga dareemayaa Sanadkaan dib u dhac ku yimaaday dhanka ciyaaraha Dibada ayagoo ilaa hada anan ku guulaysan ciyaara dibada ay u aadeen marka laga rebo kulankii liventa la ciyaareen Bishii September oo ay 4-1 igu badiyeen

Ciyaaryahanka Caanka ah Edmilson ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Barcelona aysan heerkeedi hore ku soo laaban doonin ilaa iyo marka ay ciyaartoyda danotooda ka hormariyaan danta Naadiga

dhanka kale Kabtan ku xigeenka Naadiga Barcelona Xavi Hernandez ayaa isagoo ka jawaabayay eedeynta ka timaaday dhanka Edmilson waxaa uu Yiri" qofkii doonayo inuu hormariyo kooxda Barcelona waxaa loo bahanyahay in uu u fiirsado hadalkiisa,maahan hadalka Edmilson mid wanaagsan oo hormarinaayo Naadiga Barcelona, waxaana loo boohanyahay inuu hadalada uu isticmaalaayo ilaaliyo"

No comments: