
Didier Drogba waxa uu ku dhashay caasimadda Ivory Cost ee Abidjan, 11kii Mars 1978kii, waxa uu dalkiisa kasoo tagay isaga oo aad u da' yar oo 5 jir ah, isaga oo yimid dalka faransiiska gaar ahaan magaalada Brest ee gobolka Brittany, waxa uu muddo la noolaa adeerkiis oo halkaa degenaa ilaa ay waalidkiis yimadaan faransiiska sanadkii 1991kii, markaas ayuuna si fiican u bilaabay inuu xooga saaro kubadda cagta, isagoo 15 jir ah ayuu markii ugu horeysay qandaraas la saxiixday kooxda Levallois oo ka dhisnayd magaalada Vannes.
Markii uu gaaray 19 jir ayuu qandaraas cusub la galay koox heerka labaad aheyd (Le Mans) sanadkii 1998kii, waxa uu ku bilaabay firfircooni iyo inuu u dhaliyo kooxda goolal muhiim ah, balse waxaa lasoo dersay dhaawac ku qasbay inuu garoomada ka maqnaado ku dhawaad laba sano. nasiib wanaag sanadkii 2002dii ayuu heshiis cusub la galay kooxda heerka koowaad ee Guingam, ciyaartiisii 1aad waxa uu Drogba dhaliyay gool aad uga farxiyay tababarihiisii xilligaas Lacombe, iyo waliba isagoo sanadkiisii ugu horeeyay kooxda u dhaliyay 17 gool, wacdaraha xiddigan cusub ayaa soo jiitay indhaha kooxo waaweyn oo ka dhisan faransiiska iyo Yurub dhamaan.
Sanad kadib waxaa lasoo wareegtay kooxda weyn ee Marseille oo ka noqday ninka ama ciyaariyahanka ugu muhiimsan kooxda, isagoo isla sanadkaas u dhaliyay kooxda 19 gool iyo isaga oo loo doortay ciyaariyahanka sanadka ee faransiiska. Arintan ayaa qasab ka dhigtay in ay albaabka Marseille soo garaacaan kooxo waaweyn oo Yurub ah, damacooduna ahaa la wareegida Drogba. waxaa nasiib u yeelatay kooxda Chelsea oo kula soo wareegtay aduun gaaraya £24 mill oo lacagta Ingiriiska isla markaana noqday ninkii ugu qaalisanaa oo ay kooxdu soo iibsato, inkasta oo uu markii danbe ka hor maray Shevchenko.
sanadkiisii koowaad 2004/2005 waxaa lagu tilmaami karaa meel dhexaad isaga oo u dhaliyay kooxdiisa 16 gool, waxa uu kula guuleystay horyaalkoodii ugu horeeyay muddo 50 sano ah, inkasta oo uu kaalin weyn ku lahaa hanashada horyaalkaas iyo Carling Cup, hadana waxaa jirey dhaleeceyn kaga imaaneysay warbaahinta Ingiriiska iyaga oo ku tilmaamayay nin marna kacsan marna ay ka dansantahay. Sanadkii ku xigay ayuu aad uga wanaagsanaa, marka laga soo tago goolasha uu dhalinayay waxa uu noqday ninka ugu assist ama gool dhiibid batay waxa uuna baasay 11 gool oo ay saaxiibadiis dhaliyeen, sidoo kale sanadkiisii labaad waxa uu kooxdiisa kula guuleystay koobkii ama horyaalkii 2aad oo isku xiga.
sanadkii ugu danbeeyay ee 2006/2007 ayaa lagu tilmaami karaa sanadkii dahabiga ahaa ee Drogba, waa mare waxa uu dalkiisa Ivory Cost keenay koobkii aduunka markii ugu horeysay taariikhda, waxa uu sidoo kale ku caawiyay dalkiisa in ay yimaadaan ciyaartii kama danbeysta aheyd ee koobkii qaramada qaaradda Afrika, waxaa intaa u dheer Drogba oo hogaanka u haya tartanka gool dhalinta Ingiriiska isaga oo hadda kooxdiisa Chelsea u dhaliyay goolal farabadan marka la isku daro dhamaan tartamada ay kooxdu ka qeyb galeyso, isagoo lafdhabar iyo u noqday ninka ugu muhiimsan Chelsea waqtigan la joogo.
Intii aan labilaabin horyaalka Ingiriiska sanadkan waxa uu Drogba ku sigtay inuu isaga tago Ingiriiska kuna laabto faransiiska iyo kooxdiisii hore ee Marseille, maadaama uu culeys weyn kala kulmay warbaahinta Ingiriiska oo shabad uga dhigtay inuu yahay (Khiyaanoole) iyo nin is bedbedel badan, waxaana ugu danbeyn ku qanciyay inuu la joogo kooxda tababarihiisa Mourinho oo inta badan loogu yeero naaneys ahaan.( Ninka qaaska ah).