Saturday, December 15, 2007

FABIO CAPELLO OO LOO MAGAACABAY TABARAHA XULKA INGARIISKA



Xiriirka kubada cagta ee dalka ingiriiska ayaa daboolka kaqaaday in uu u magacaabay Fabio Capello oo u dhashay dalka talyaaniga tababaraha cusub ee xulka England
Warbixin uu ku qoray xiriirka kubada cagta ee ingiriiska boga uu ku leeyahay intarnetka ayaa waxaa uu ku faafaahiyay goaanka magacaabista tababaraha cusub.
Tababare Capello oo jira 61 sano ayaa lawareegay tababarka xulka Engalnd isagoo badali doona tababarihii hore ee xulkaas Steve McClaren kadib markii uu ku guuleysan waayay xulka England in uu u soo baxao koobka yurub ee sanadka 2008 dhici doona
Tababaraha cusub ee xulka England Capello ayaa bilaabi doona shaqadiisa 7 bisha janaayo ee soo socota isagoo majaraha u qaban doona xulka England markii ugu horeysay in uu ka qeybgalo ciyaaro saaxiibtinimo oo ku dhexmari doona garoonka Wembley 6 febaraayo xulka swaziland iyo England.
Swaziland iyo Austria ayaa dadaal weyn igu jira qabanqabada koobka qaramada yurub oo dhici doono 2008.

Friday, December 14, 2007

AC MILAN OO IMAATAY FINALKA KOOBKA CLUB WORLD CUP


Kaka iyoClarence Seedorf -ayaa noqday Geesiyaasha AC Milan taasoo kooxda reer Japan's ee Urawa Reds oo ay kaga adkaadeen 1-0 waxeyna sidaa ku soo gaareen final of the Club World Cup. kooxda reer Italy ayaa hada isku diyaarineysa sidii ay ugu hor tagi laheyd kooxda reeer Argentine ee Boca Juniors oo ay maalinta axada tartankaan finaalihiisa ay dalka Japan ku wad ciyaari doonaan. Milan inta goor oo ay iskaga horyimaadeen koobkaan Club World Cup's , kooxda qaarada South America ka soco gaar ahaan sanadihii 1969, 1989 iyo 1990. laakiin kooxda reer Talyaani waxey kooxda Boca rigoorayaal kaga qadaya koobkaan sanadii 2003. kooxcda reer Braziloo qaaday koobkan labadii sano ee ugu horeysay tan iyo markii ay koobkaan la soo bilaabay kaasoo ay soo qabanqaabisay world governing body FIFA. Sao Paulo waxey Liverpool 1-0 kaga badisay sanadii 2005 sidoo kale sanadii ka tagay kooxda Barcelona ay sidaasi oo kale kaga adkaatay 1-0

Saturday, December 8, 2007

Waxaa Galabta oo axad ah Is arki dono Nadiga Juventus Iyo Atalanta Ciyartas oo ad iyo ad u xiso badan Dadiga Juventsu oo Hada loga hayo Hoganta 8 Dhibac Yaa Lomalendona in eey Ciyarta ee Laciyareso Galabta Nadiga Atalanta Ciyar ad iyo ad u adag Waxii kaso baxo ciyartas waxan idin ku so Gud bin dona warar kena kale ee Sportska Ah

Ruud Van Nistelrooy Real Madrid U Badiyay Xalay


Xidaga wen ee dalka Holland Ruud Van Nistelrooy oo xalay Danigisa Real Madrid U Dhaliyay Gol Ee na Gusha Ku racday Koxda Real Madrid Kadib markey Is ku arken Koxda Athletic Bilbao. Ciyarta oo aad u xisa badned ayaa Koxda Real Madrid Laga yabiyay xiyarta Logtedii Hored Logta Labad Ee ciyarta Daqiqada 55 Waxuu Gol U saxixay Ruud Van Nistelrooy Sidasna Gusha Ku Racday Dadiga Real Madrid

Waxaa Cawa is arlo Dona Nadiyada kala Ah
Barcelona
? - ?
Deportivo La Coruna.. Ciyartas oo aad iyo aad u Xiso badan Waxii Kaso Baxo waxan Idin ku so Gudbin donaa Warar kena kale ee Sportska

Horlayka Talyaniga Oo La Ciyaray Manta

Horlayka Dalka Talyaniga oo Laciyaray Manta oo ahed Sabti Waxaana Ciyaray Koxaha Herka Kowad Oo Kala ah
Lazio
2 - 0
Catania

Koxda Lazio Waxaa Golka Kowad U dhaliyay.Tomas Rocchi Daqiqada 8 Waxana U labeyay Ciyaryahankoda.G. Pandev..Daqiqadi 89 Ee Ciyarta


Waxaa kale oo laciyaray Ciyar ad u Xisa Badan ee Ciyaren Koxaha Heka Kowad ee Dalka Talyaniga Palermo [2 - 0] Fiorentina Waxena Gusha racday dadiga Palermo

Tuesday, December 4, 2007

CRISTIANO RONALDO OO KALINTA LABAAD KU SOO CELIYAY MANCHESTER UNITED


Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa Manchester United u wada dhaliyaya 2-0 ay kaga adkaadeen Fulham markii ay isku wajaheen Old Trafford xalay guushaasoo ay ku hanatay iney dib ugu soo noqoto booska labaad ee Premier League oo marki hore ay ka baxday.
Guuldarada xalay soo gaartay Fulham waxey kaga tageysaa kaalinta 14-aad ee horyaalka taasoo ka dhigan in Fulham ay 2-dhibcood oo qurah ay ka sareyso kooxaha booska kaga ajira horyaalka.
Arsenal, oo ah kooxda wali aan laga adkaan markii ay 11 guul badisay 3-marna ay barbardhac galshay, ayaa horyaalka 6-dhibcood ku hogaamin doonta waa hadii ay ka badiso maalinta arbacada ah Newcastle oo ah kulanki horey u baaqaday.
Arsenal, oo sabtidii 2-1 kaga adkaatay Aston Villa ayaa horyaalka hada hogaankiisa ku heysa 36 points 14 kulan.
United, oo 10 kulan badisay xilli ciyaaredkaan ayaa yeelatay 33 points markii ay 15 kulan ciyaartay. Waxeyna ka kor martay Chelsea iyo Liverpool –Chelsea 31 dhibcood halka Liverpool iyo Manchester City ay wada leeyihiin 30 dhibcood.
Ronaldo oo labada goal kala dhaliyaya daqiiqadii 10-aad ee bilowga ciyaarta halka kii labaad uu raacsaday daqiiqadiii 12-aad ee qeybtii danbe ayaa sidaa ku helay goalkiisii 7-aad ee hortyaalka.
Xidiga baalka ka ciyaara ee reer Portugal, ayaa kaalinta labaad ka galay abaalmarintii kubada dahabka ah ee xidiga reer Brazil ee Kaka uu ku guuleystay kubada dahabka sanadkaan

Sunday, December 2, 2007

ISKU AADKA KOOBKA QARAMADA YURUB


Group A Switzerland Czech Republic Portugal Turkey Group B Austria Croatia Germany Poland GroupC Holland Italy Romania France GroupD Greece Sweden Spain Russia

KAKA OO KU GUULAYSTAY KUBADA DAHABKA


Ciyaaryahanka reer Brazil ee kaka ayaa si rasmi ahaan ah igu guulaystay kubada dahabka oo ay baxiso sanad walba jariirada france football ka hor dabaldaga Fifa oo ku adan 17 bishaan aynu ku jirno ee sanadka 2007.

Kaka ayaa ka guulaystay saxiibadiisa kadib markii uu halay 444 cod halka kalinta labaad uu galay ciyaaryahanka reer burtuqal ee Cristiano Ronaldo oo helay 277 cod kalinta sadaxaadne waxaa nasiib u yeeshay ciyaryahanka Lionel Messi 255 cod tasoo la oran karo waa guul weyn marka lo eego ciyaaryahan messi oo dadiisu aad u yartahay.

Kaka ayaa ka dnbeyay guushii ay sanadkii tagay Milan ay ku heshay koobka horiyaalada yurub hasa yeeshe waxaa muuqata in Kaka uu ku guulaystay abaal marinta laacibka sanadkaan igu wanaagsan caalamka tasoo lagu wado in lagu gu doosiyo 17 bishaan xarunta Fifa ee Zurich.

JUVENTUS IYO AC.MILAN OO ISKU AG DHACAY


Juventus ayaa waxay ku tahay barbar dhacaan dhabar jab wayn marka loo eego

fursada ay waysay oo ay igu dabatagi laheed naadiga hogaanka horiyaalka haysto ee Inter Milano kaas oo ay isla hogaamin lahaayeen horiyaalka Talyaaniga markii ay 0-0 ls la galeen nadiga AC Milan.

Sidoo kale barbar dhacaan waxay niyad jab kutahay nadiga AC, tasoo ila iyo hada wax guul ah ku gaarin gurigeeda San Siro xili ciyaareedkaan oo dhan.

AC Dida ayaa ciyaartii si aad ah uga dhax muuqday kadib markii oo golal fara badan ka badbadiyay shabaqa AC, daqiiqadii 48-aad ayuu kubad la yaab leh ka badbadiyay ciyaaryahanka Hasan Salihamidzic halka Juventus' Gianluigi Buffon uu isagana badbaadiyay fursado badan kadib markii uu qabtay laad xor ah oo uu soo riday ciyaaryahan Andrea Pirlo iyo waliba kaka.

Saturday, December 1, 2007

MAXAAD KA TAQANAA TAARIIHKDII CIYARYAHAN DIDEIR DROGBA


Didier Drogba waxa uu ku dhashay caasimadda Ivory Cost ee Abidjan, 11kii Mars 1978kii, waxa uu dalkiisa kasoo tagay isaga oo aad u da' yar oo 5 jir ah, isaga oo yimid dalka faransiiska gaar ahaan magaalada Brest ee gobolka Brittany, waxa uu muddo la noolaa adeerkiis oo halkaa degenaa ilaa ay waalidkiis yimadaan faransiiska sanadkii 1991kii, markaas ayuuna si fiican u bilaabay inuu xooga saaro kubadda cagta, isagoo 15 jir ah ayuu markii ugu horeysay qandaraas la saxiixday kooxda Levallois oo ka dhisnayd magaalada Vannes.
Markii uu gaaray 19 jir ayuu qandaraas cusub la galay koox heerka labaad aheyd (Le Mans) sanadkii 1998kii, waxa uu ku bilaabay firfircooni iyo inuu u dhaliyo kooxda goolal muhiim ah, balse waxaa lasoo dersay dhaawac ku qasbay inuu garoomada ka maqnaado ku dhawaad laba sano. nasiib wanaag sanadkii 2002dii ayuu heshiis cusub la galay kooxda heerka koowaad ee Guingam, ciyaartiisii 1aad waxa uu Drogba dhaliyay gool aad uga farxiyay tababarihiisii xilligaas Lacombe, iyo waliba isagoo sanadkiisii ugu horeeyay kooxda u dhaliyay 17 gool, wacdaraha xiddigan cusub ayaa soo jiitay indhaha kooxo waaweyn oo ka dhisan faransiiska iyo Yurub dhamaan.
Sanad kadib waxaa lasoo wareegtay kooxda weyn ee Marseille oo ka noqday ninka ama ciyaariyahanka ugu muhiimsan kooxda, isagoo isla sanadkaas u dhaliyay kooxda 19 gool iyo isaga oo loo doortay ciyaariyahanka sanadka ee faransiiska. Arintan ayaa qasab ka dhigtay in ay albaabka Marseille soo garaacaan kooxo waaweyn oo Yurub ah, damacooduna ahaa la wareegida Drogba. waxaa nasiib u yeelatay kooxda Chelsea oo kula soo wareegtay aduun gaaraya £24 mill oo lacagta Ingiriiska isla markaana noqday ninkii ugu qaalisanaa oo ay kooxdu soo iibsato, inkasta oo uu markii danbe ka hor maray Shevchenko.
sanadkiisii koowaad 2004/2005 waxaa lagu tilmaami karaa meel dhexaad isaga oo u dhaliyay kooxdiisa 16 gool, waxa uu kula guuleystay horyaalkoodii ugu horeeyay muddo 50 sano ah, inkasta oo uu kaalin weyn ku lahaa hanashada horyaalkaas iyo Carling Cup, hadana waxaa jirey dhaleeceyn kaga imaaneysay warbaahinta Ingiriiska iyaga oo ku tilmaamayay nin marna kacsan marna ay ka dansantahay. Sanadkii ku xigay ayuu aad uga wanaagsanaa, marka laga soo tago goolasha uu dhalinayay waxa uu noqday ninka ugu assist ama gool dhiibid batay waxa uuna baasay 11 gool oo ay saaxiibadiis dhaliyeen, sidoo kale sanadkiisii labaad waxa uu kooxdiisa kula guuleystay koobkii ama horyaalkii 2aad oo isku xiga.
sanadkii ugu danbeeyay ee 2006/2007 ayaa lagu tilmaami karaa sanadkii dahabiga ahaa ee Drogba, waa mare waxa uu dalkiisa Ivory Cost keenay koobkii aduunka markii ugu horeysay taariikhda, waxa uu sidoo kale ku caawiyay dalkiisa in ay yimaadaan ciyaartii kama danbeysta aheyd ee koobkii qaramada qaaradda Afrika, waxaa intaa u dheer Drogba oo hogaanka u haya tartanka gool dhalinta Ingiriiska isaga oo hadda kooxdiisa Chelsea u dhaliyay goolal farabadan marka la isku daro dhamaan tartamada ay kooxdu ka qeyb galeyso, isagoo lafdhabar iyo u noqday ninka ugu muhiimsan Chelsea waqtigan la joogo.
Intii aan labilaabin horyaalka Ingiriiska sanadkan waxa uu Drogba ku sigtay inuu isaga tago Ingiriiska kuna laabto faransiiska iyo kooxdiisii hore ee Marseille, maadaama uu culeys weyn kala kulmay warbaahinta Ingiriiska oo shabad uga dhigtay inuu yahay (Khiyaanoole) iyo nin is bedbedel badan, waxaana ugu danbeyn ku qanciyay inuu la joogo kooxda tababarihiisa Mourinho oo inta badan loogu yeero naaneys ahaan.( Ninka qaaska ah).

Friday, November 30, 2007

CIYAARYAHAN MESSI OO MIISKA U SARAN LACIBKA UGU FIICAN ADUUNKA



Xariirka kubada cagta aduunka ee Fifa ayaa shaca ka qaaday maanta masharaxiinta caalamka igu fiican kabada cagta in ay kala yihiin lacibinta kala ah Ricardo Kaka oo reer Brazil ah iyo Cristian Ronaldo oo burtuqal ah iyo Lionel Messi oo asgana u dhashay dalka arjantiin waxaana lagu wadaa in midkood uu noqdo laacibka igu fiican calamka sanadkaan.
FIFA ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqo 17-ka bishaan kaalmaha ay kala gali doonaan laacibiintaan, iyadoo kalinta kawaada laacibka igu fiican calamka uu naqon doono kaka halka kaalinta labaadna la siiyay Cristian Ronaldo.
warbaxinadaan oo dhan ayaa ah kuwa ay sadalinayaan qubarada ku xeel dheer arimaha kubada cagta aduunka waxaana laga yaaba in ay noqdaan kuwa sax ah marka la fiiriyo firfircoonida sadaxdaan laacib oo u muqdo kuwa soo jiidanaayaan imndha calamka gaar ahan dadka xiisayo kubada cagta.

MICHAEL ESSIEN OO KA XUMAADAY GANAAXA LA DUL DHIGAY



Laacibka qadka dhexe ee naadiga Chelsea Micheal Essien ayaa ka maqnaani doona naadigisa Chalsea sadax kulan kadib markii laga saaray ciyaarta kulankii igu danbeeyay markii uu laacib xoog ku jiirayXariirka kubada cagta ingiriiska ayaana ka cafin doonin ganaaxa uu Essien dul dhigay.
Essien ayaa sheegay in uusan aheyn laacib xun oo ciyaartoyda kale dhibaayo lakiin uu yahay laacib ku dagaalamo kubada mar danbana ay na dhici doonin arinkaan oo kale .
Essien ayaa ka maqnaani doona ciyaarta adag ee naadigiisa Chelsea kaga hor imaan doonta naadiga Arsenal.

Thursday, November 29, 2007

NAADIGA LIVERPOOL AYAA LAGADAY KOOXDA FC PORTO


Naadiga kobada cagta ee Liverpool ee dalka ingriiska ayaa waxaa u suurta gashay guul weyn kadib markii ay ku suul daaratay 4-1 kooxda FC porto ee dalka burtuqal waxaana goolasha Liverpool laba ka mid ah u saxiixay ciyaaryahan Fernando Torres oo sanadkaan u maqdo in uu awoodiisa xirfadeed la soo baxaayo

Kooxda Liverpool ayaaa jabisay iskoor weyn kadib markii ay u soo baxday wareega 16-aad ee koobka horiyaalada yurub sanadkaan

CHELSEA OO DARDARTAY NAADIGA ROSENBORG



Nadiga Chelsea ee dalka ingiriiska ayaa waxay ku tumatay nadiga Rosenborg
Kadib markii uu laba gool oo xariir ah ka dhaliyay nadiga rosenborg ciyaryahanka weerarka igu ciyaaro kooxda Chelsea Didier Drogba halka goolka sadaxaadna uu racsiyay Alex oo u dhashay dalka brazil xiritaanka goolki afaraad ayaa waxaa nasiib u sheeshay ciyaaryahan J. Cole.

Chalsea ayaa soo bandhigtay ciyaaro la jaclesan karo koobka horiyalada yurub ayadoo xooga sarayso kobka horiyalda yurub sanadkan tasoo noqonayso rajada igu weyn ee gudoomiyaha nadiga Chelsea Roman Abramovich asagoo u casilay arinkaan tababarihii hore ee nadiga Chelsea Jose Mourinho maxa yelay Mourinho laba sano wax natiija ah oo tageerayaasha Chelsea ee ku farxaan uma soo hooynin

Sidoo kale waxaa ku soo fool leh naadiga Chelsea isboocaan kulan adeg oo iskaga hor imaanayaan nadiga Arsenal taasoo qeyb ka ah horiyaalka ingiriiska ..

Wednesday, November 28, 2007

NATIIJOOYINKA KOOBKA HORIYAALADA YURUB

Manchester U. 2-1 Sporting Lisbo
Lyon 2-2 Barcelona
Stuttgart 3-2 Rangers
Dynamo kyiv 1-4 AS Roma
CSKA Moscow 0-1 PSV Eindhoven
Inter Milan 3-0 Fenerbahce
Sevilla 3-1 Arsenal
Steausa 1-1 Slavia prague
Besiktas 2-1 Marseille
Rosenborg 0-4 Chelsea
Liverpool 4-1 Fc porto
Valencia 0-0 Schalke
Lazio 1-1 Olympiakos piraeus
Werder Breman 3-2 Real Madrid
Benfica 1-1 AC Milan
Celtic 2-1 Shakhtar Donetsk

Tuesday, November 27, 2007

RONALDO OO KU FANAY MUQALKAYGA WANAAGSAN WAA FURSADAYDA


Ciyaryahanka nadiga AC. Milano dalka talyaniga iyo xulka qaranka Brazil Ronaldo ayaa ku fanay muqalkiisa wanagsan ee garoomada ku soo bandhigay in ay ku cawinayso dib u cusboonaysiiska hishiiska ama contaragtiga oo isaga u dhamanayo dhamaadka xili ciyaaredkaan . sida waxaa yiri Ronaldo oo u waramayay Mgazinka Clasio Italia .
Nadiga AC.Milano oo hadda ku jirta Kalinta Sagaalad ee Horiyaalka talyaaniga kadib Kulankii ugu danbeyay markii ay guul gaartay oo ay 2-1 uga adkatay nadiga Cagliari.
Laacibka Reer brazil Ronaldo oo dadiisu tahay iminka 31 sano ayaa ciyaarti igu danbaysay si fiican uga qayb qaratay isagoo helay gool rigoore ah daqiiqadii 44-aad kadibna oo qasaariyay ciyaryahanka ay isku dalka yihiin ee caanka ah ee kaka.

Monday, November 26, 2007

KOOXDA JUVENTUS OO KALINTA LABAAD EE SERIE A SOO CARIIRSATAY


Kooxda Kubada Cagta Juventus, ayaa soo criirsatay booska labaad e Horiyalka Talyaaniga kadib marki ay 5-0 kaga adkaatay Naadiga Palermo tasoo Kadhigtay in ay himaamto Natiijadii labdii kulan ee igu danbaysay ee barbardhaca ay galeen.

Ninka hogaminayo goldhalinta Serie A David Trezeguet ayaa dhaliyay Golkiisa 11 aad u dhaliyay ka hor inta usan Vincenzo Iaquinta uu san kii labaad u dhalin daqiidaii 41.

Alessandaro Dal piero oo badal ciyaarta lagu keenay ayaa laad xor ah u dhaliyay ama Freekick oo Qatar ah kadib markii Shabaqa ku hubsaday waxana Juventus Natiijadaan u sahlaysa inay ka dulmarto Nadiga Fiorentina, oo Barbardhac 0-0 la gashay Nadiga Reggina.

Sunday, November 25, 2007

NATIIJOOYINKA HORIYAALADA TALYAANIGA IYO INGIRIISKA



ITALY-SERIE A
Cagliari 1-2 ACmilan

Inter Milan 2-1 Atlanta

Genoe 0-1 AS Roma

EMpoli 0-0 Torino

Lazio 1-0 Parma

Liverno 3-1 Sampadoria

Napoli 2-0 Catania

Raggina 0-0 Fioretina

Udinese 2-0 Seina

Juventus 5-0 Palermo
ENGLAND – PREMIER LEAGUE


Derby country 0 -2 Chelsea

Newcastel U. 0-3 Liverpool

Arsenal 2-0 Wigan Athlatic

Brimingham C. 0-2 portsmouth

Everton. 7-1 sunderland

Balton W. 1-0 Mancheser U.

Manchester C 2-1 Reading

Misddilesbrough 0-3 Aston Villa

West Ham U. 1-1 Tottenham H.

Fulham 2-2 Blackburn R.

RIBERY OO KU SOO BAXAY MUCJISADA NAADIGA BAYERN MUNICH


Franck Ribery ayaa noqday mucjisada naadiga Bayer Munich marku uu dhaliyay gool mid kalane lugtiisa uu ku dhiibay golashaas oo ay Bayer Munich kaga adkaatay nadiga VfL Wolfsburg 2-1 ayadoo haatane ku hogaaminaso horiyalka haldhibic oo qura.

RIBERY, oo ah sanadkaan ciyaryahanada naadiga Bayern Munich, ku shar tagto ayaa goolkaani waxuu yahay kiisa 3- aad ee uu u dhaliyo Bayer Munich tan iyo markii uu ku soo biiray nadigaan .

Wolfsburg, oo uu macalin u yahay Magath oo u kasoo tagay shaqadii koxda Bayern Munich bishii January, markii uu u qaday 4 horiyaal, ayaa guul daradaani waxay ku noqonaysaa dhabar jab weyn.

Beyern Munich, ayaa dhibcaan heshay kadib 3 kulan oo guul daro ah oo is xigta waxayna hadda 1 dhibac oo qura ka saraysaa Werder Bremen, oo iyana 2-0 ku suul dartay nadiga Energie Cottbus.

Thursday, November 22, 2007

EDMILSON OO KU EDEYAY CIYAARTOYDA BARCELONA KIBIR IYO ISLA WEYNIN IYO XAVI OO KA JWAABAY HADALKAAS


ciyaaryahanka qadka dhexe ee Naadiga Barcelona iyo xulka Brazil Edmilson aya waxaa u ku dhaliilay saxibadiisa isku naadiga yihiin in ay ka buuxdo isla weynin iyo in aysan ka fikikeyn maslaxada nadiga taas oo kantay in naadiga hoos u dhac u ku yimaado

Edmilson ayaa waxa u sheegay Wargayska Marka ee ka soo baxa Dalka Spain maalintii khamiista in ay tahay dhibaatada ugu weyn ee Naadiga heysata in ciyaartoyda ay isku malayaan in ay naadiga ka fiicanyihiin Asigoo sheegay in ay ku mashquulsanyihiin dana u gaar ah oo ka baxsan danta Naadiga

Edmilson oo Wargeyska Mark arinkaas ugu waramaayay ayaa waxuu Yiri" marar qaar ciyaartoyda kuma fikiraan Tababarka waxeyna xiliga lugu jiro Tababarka ku mashquulsanyihiin Talafoonadooda"

Kooxda Barcelona ayaa waxaa laga dareemayaa Sanadkaan dib u dhac ku yimaaday dhanka ciyaaraha Dibada ayagoo ilaa hada anan ku guulaysan ciyaara dibada ay u aadeen marka laga rebo kulankii liventa la ciyaareen Bishii September oo ay 4-1 igu badiyeen

Ciyaaryahanka Caanka ah Edmilson ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Barcelona aysan heerkeedi hore ku soo laaban doonin ilaa iyo marka ay ciyaartoyda danotooda ka hormariyaan danta Naadiga

dhanka kale Kabtan ku xigeenka Naadiga Barcelona Xavi Hernandez ayaa isagoo ka jawaabayay eedeynta ka timaaday dhanka Edmilson waxaa uu Yiri" qofkii doonayo inuu hormariyo kooxda Barcelona waxaa loo bahanyahay in uu u fiirsado hadalkiisa,maahan hadalka Edmilson mid wanaagsan oo hormarinaayo Naadiga Barcelona, waxaana loo boohanyahay inuu hadalada uu isticmaalaayo ilaaliyo"